
C/Zamad Nuur Guuleed madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi la socda ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo si diiran loogu oo dhaweeyay.
Axmed Shiikh Xasan
HobyoNet Mog:Som
Wafdi balaaran oo ka socda maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedkaasi Mud C/zamad Nuur Guuleed ayaa howlo shaqo u soo gaaray caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoona madax iyo dadweyne fara badan ay u sameeyeen soo dhaweyn heer sare ah.
Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa ujeedada ay Muqdisho u yimaadeen waxa ay tahay sidii ay wadahadalo u dhaxeeya dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Galmudug ula yeelan la hayeen masuuliyiinta, sidoo kale jaaliyada reer Galmudug ayay wafdiga kulamo la yeelan doonaan.
Wasiir ku xigeenka wasaarada warfafinta mamulkaasi Axmed Baasto oo ka mid ah wafdiga ayaa hegay in kulam kala heer ah ay la qadan dooan masuuliyiinta dowlada KMGah, waxgaradka beelaha Hawiye iyo cid kasta oo wax ka tari karta xalada murugsan ee dalka.
Wafdiga madaxweyne ku xigeenka la socda ayaa waxaa ka mid ah wasiirka maaliyada dowlad goboleedka Galmudug Dr C/llaahi Jaamac Dhoore iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka maamulkaasi.
E-mail xhobyo@hotmail.com